Share With Your Friends

Muqaal ay barta youtube soo dhigtay Fatxiya Cabsiiye bartamihii December oo ay ku wareysanaysay hooyo Saafi sheekh Caamir, ayaa lagu shaaciyay in fannaanka reer Canada Cabdullaahi Goof fal kufsi ah kula kacay hooyadan gaari dhexdiisa, 23 sano kahor.

Hooyadan ayaa lagu qasbay in ay qariso arrintan, maadaama ay kasoo jeedday reer magac ku dhex leh bulshada.

Wareysiga ayay ku shaacisay hooyo saafi sida uu falkan aadka u fool xun u dhacay.

waxay sheegtay inay ahayd xilli maqrib ah marka falka lagula kacayay, waxayna shaacisay inuu ku qabtay bastoolad si uu u cabsi galiyo uguna gaaro dantiisa.

Hooyadan ayaa ku dhiirratay inay bannaanka soo dhigto arrintan kadib markii ay ka warheshay sida tacaddiyada noocan ay bulshada ugu soo badanayaan.

One thought on “Subxanallah: Fannaan caan ah oo kufsaday haweeney da’ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!