Share With Your Friends

Ruushka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan (veto) qaraar ay soo diyaariyeen mareykanka iyo japan oo la hor geeyay Golaha ammaanka ee qaramada midoobay , fadhi ay xilli dambe oo shalay ah yeesheen, kaaso waddamada adduunka ka mamnuucayay inaysan sameyn ama aysan u dirin hawada sare madaxyada Nukliyeerka iyo hubka halista ah oo burbur ballaaran ka gaysan kara hawada sare.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka 13 ka mid ah ayaa oggalaatay, waxaa ka aamusay Shiinaha, halka Ruushka uu ahaa dalka joojiyay ee diidday qaraarkan.

Fiiro gaar ah ;

dhowaan Mareykanka ayaa ku eedeyay Ruushka inuu hawada sare u dirayo madaxyada Nukliyeerka, si uu weerarro uga fulin karo hawada sare, haddii ay dhacdo in la soo weerarro, balse Ruushka ayaa markii dambe arrintaa beeniyay.

waa maxay khatarta?

dunidda ayaa saacad walba muujinaysa sida ay sare ugu kacayso khatar caalami ah oo waqti walba caalamku wajihi karo, walaaca hadda laga qabo Nukliyeerka ama hub kale oo halis ah in la geeyo hawada sare wuxuu la xiriira in tallaabooyin dunidda halis galinaya ay qaadi karaan dalalka hubka gaysta haddii ay weerarro la kulmaan, sida inay burburiyaan dayax-gacmeedyada hawada sare, markaana waxaa dhici karta dunidda inay gasho dhago la’aan oo isgaarsiinta iyo tignoolijiyada kale ay meesha ka baxdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content