Naxdin: Gabadh uu kufsaday ninkeedii hore kadibna si xun loo dilay.

Share With Your Friends

Waxaa magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool lagu dilay gabadh lagu magaacaabi jiray Salmo Cabdullaahi yuusuf.
waxaana jir dilay kadibna gowracay ninkeedii hore oo lagu magaacaabo Xasan.

Salmo ayaa lagu wargeliyay in ninkeedii hore uu doon doonayay maalin ka hor inta uusan dilka dhicin.

waxaa shaaca laga qaaday inuu dhoor jeer telfoonkeeda soo wacay, balse ugu dambeyntiina ay ka qabatay.
waxaana la sheegay inuu ka dhaadhiciyay inay dalxiis u tagaan bannaanka laascaanood, si uu uga dhaadhiciyo inay isku laabtaan.

Dad xog ogaal oo Salma ka ag dhow, ayaa inoo caddeeyay in Salma ay aad uga niyad jabtay xasan kadib markii uu ku furay laba dalaaqadood.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii uu xasan ku fashilmay inuu Salmo dib u soo ceshto, waxa uuna ugu dambayntii ku dhaqaaqay dilka Salmo oo ahayd 26 jir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!