Share With Your Friends

Labadaan fanaan oo mudo sanad ah Isla joogay ayaa dhawaantaan shaaciyeen in ey isfureen. Sababata wali sifiican looma sheegin laakiin Rasmi Rays ayaa bulshada kuxiran ubalan qaaday in arinta ku dhacday ey lawadaagi doonto bulshada marka ey Nairobi tagto oo ah hooygeeda.

Labadaan fanaan ee kala ah Ramsi Rays iyo Farxaan Yare ayaa kala tagoodu dhaliyey xiiso bulshada baraha bulshada kadib markii ey arkeen Rasmi Reys oo murugeeysan ayaa taageero siiyey kana xumaadeen arinta furiinka.

Lamaanahaan ayaa siweyn barta YouTube ka loogala socday jaceylkooda bilaaw ilaa iyo dhamaad. Waxa ey usoo bardhigi jireen arimaha jaceylka ayaga ka dhaxeeyo iyo Prank yo. Laakiin hada waxa baraha bulshada la faafinayaa video Prank ey isku sameeyeen oo Furiin ahaay. Farxaan Yare ayaana ka dalbanaya in ey is furaan kadib markaas ayuu leeyahay waxaan lasocdaa gabar kale. Rasmi Reys ayaana oohin la dhaceyso mana ey oga in kamera da qarsoon laga duubayey. Kadib ayuuna leeyahay waxa ey aheeyd Prank.

HALKAAN KA DAAWO VIDEOGA QABSADAY BARAHA BULSHADA:

2 thought on “VIDEO SIR AH: FURIINKA RASMI REYS IYO FARXAAN OO LA HELAY OO BARAHA BULSHADA QABSADAY!”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!