Share With Your Friends

Xasan top ayaa isbuucii hore kusoo dhoweeyay magaalada muqdisho youtuber caan ka ah dalka india, laguna magacaabo pramvir singh.

Pramvir oo waqti badan la qaatay Xasan top ayaa cod sir oo laga duubay ku shaaciyay in Xasan top uu ka xaday kaamirad qaali ah iyo lacag gaaraysa 700 oo dollar.

Pramvir oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay qaabka ay wax u dhaceen, ayaa sheegay in kamirada qarsoon uu ku xirtay qolka uu ka deganaa hotelka, taasoo ugu dambayntii duubtay xasan top oo si dhuumasha ah ku xadaya kamiradiisa b6 iyo lacag gaaraysa 700 oo dollar.

codad kale oo qarsoodi ah oo uu pramvir ka duubay xasan oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo ayaa lagu shaaciyay arimo kale oo quseeya xasan top.

Maahan markii ugu horeysay uu xasan top ku kaco tuuganimo noocan oo kale ah, waxa uuna horay lug ugu yeeshay dhacdadii lagu xaday boorso uu lahaa King ck.

2 thought on “DEG DEG: Hasan top oo lagu qabtay asagoo ka xadaya alaab qaali ah youtuber caan ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content