Share With Your Friends

Dayax Dalnuushe iyo Khadar Keeyow ayaa mudo dheer dhaxdooda isku dhac yaalay kuwaasoo aan mudo dheer meel kuwada kulmaan. Labada fanaan ayaa bishaan gudaheeda shaaciyey in saaxiibeen oo wax mugdi ah dhaxdooda yaalin kuwaasoo waqti fican isla qaatay. Fanaaniintaan ayaa videoyo iyo sawiro baraha bulshada ku baahiyey hishiiskooda.

Waxaan dhameyn labo ibuuc ayaa laga joogaa waxaana soo baxay dagaal si qarsoodi ah udhacay oo labada fanaan dhax maray. Bulshada ayaa siweyn ugu wareersan waxa labadaan fanaan oo da,ada isku dhaw ey markasta isku dagaalaan. Ma fanka miyaa leysku dagaalaa mise xafladaha oo mid kasta ma wuxuu rabaa in uu isaga kaliyah kasoo heeso? waa suaalo badan o dadka inta badan ku macneeyaan dagaalkooda.

Isbuucaan ayaa labadaan fanaan ee khadar Keeyow iyo Dayax Dalnuushe laga soo casuumay aroos waxa eyna labaduba in ey kaheesaana aheyd. Laakiin isku dhac ayaa yimid udhaxeeya Dayax Dalnuushe iyo aroosadii arooska dhiganeysay. Dayax iyo xaaskiisa oo xaflada ku sugnaay ayaa iskaga baxay arooska ayadoo la arkaayey in shacabkii meesha ku sugnaay ey su oorinayeen kuna lahaayeen “wuu iska weynyahay”. Waxa uun Dayax sidaas uga baxay arooskii laakiin khadar keeyow kuma sugneyn marka uu dhacaayey dagaalka oo waxa uuyim qadar kadib arooska waxana lagu soo dhaweeyey sacab iyo alalaas.

Labadaan fanaan ayaa ku kala xumaaday arintaas qaasatan Dayax Dalnuushe kaasoo bartiisa Instagaramka qolaad kusoo qoray uga hadlayo arooska. Kaasoo tilmaamey in Nimaad iyo kala dambeyn arooskaas uusan leyn. Waxaana sidoo kale labada fanaan Unflow is bartooda Instagramka taasoo muujineysa in ey dagaalkooda uu run yahay. Waxaasa wali kujira sawiradii ey isla sogaleen maalmo kahor dhanka Khadarkeeyow laakiin Dayax dalnuushe Ayaa Hawada kasaaray sawiradaasi.

5 thought on “DAGAAL CUSUB: DAYAX DALNUURSHE IYO KHADAR KEEYOW DHAXDOODA KA DILAACAY DAGAAL MAGAALDA MUQDISHO QABSADAY!”
  1. Hello friends, how is everything, and what you would like to say regarding this
    paragraph, in my view its actually amazing in favor of me.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!