Share With Your Friends

Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi ayaa yiri: Ma dhicin weligeed in salaada Taraawiixda juzzki aan habeenkaas ku tujin lahaa inaan maalintii iska sii fiiriyo…

Isagoo ka sheekeynaya sida uu heerkaas ku gaaray wuxuu yiri: markii aan dugsiga dhigan jiray, waxaan aheyn walaalo badan, reerkeenna hal jeer kaliya ayaa la wada qadeyn jiray, qofki maqan sidaas ayey ku dhaaftay, haddana waxaa dhici jirtay in jacayl aan Qur’aanka u qabo dartiis in aanba qadada iska ilaawo, oo casiradii soo baraarugo… Waxaan sujuudda Alle uga baryi jiray inuu Qur’aanka i jecleysiiyo, Qur’aanka i baro…

markii aan Qur’aanka xifdiyay, waxaan go’aansaday inaan loox dib ugu qoro, si uu qalbigeyga u galo. Bogga aan looxa ku qoray waxaan akhrin jiray afartan jeer (40), haddana marka aan tiiriyo oo uu qalalo bogga kale ayaan ku qori jiray, kii hore inta aan haddana dhaqin waxaan dib u akhrin jiray afartan jeer, ilaa Qur’aanka oo dhami uu sida Faataxada ii noqday.

Sheekha alle ha xifdiyo, inagana Qur’aanka ha ina jeclaysiiyo.

By Khadar

11 thought on “QISADA QURANKA SH C/RASHID SH CALI SUFI”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!