Share With Your Friends

Maalmihii ugu dambeyey bartaa iyo aalada Tiktok waxaa qabsaday heesta uu soo qaaday fanaanka da,ada yar ee Amiin Yare ee lagu magacaabo Ii Fur Buuga Naxariista.

Kumanaan somali ah oo dhalinyaro ubadan ayaa heestaan iska soo duubeen aygoo jilaya heesta erayadeeda naxariista iyo Isku soo dhawaanshaha kahadleysa.

Erayada Heesta;

Hadaan idhi Bildhaantaada
Uma Xiisin Waa Beene
Ma Anaa Qof Booskaaga
Helikaraya ii Buuxsha
Ma Anaan U Boholyoobin
Kulankiyo Bilkhayrtaada

Waxa igu Banaanaatay
Halkii Aad Ku Beegnayde
Sida Eeg Bal Muuqayga
U Bedalay Iswaageenu
Kaalay Arag Busaylkaagu
Siduu iiga Dhigay Baylah

Ilintaydu Baaq Weeyi
Bog Ku Jeceli Hayn Waayey
i Dareen Bal Ii Fiirso
Oo Bilaahi Way Guule
Ii Fur Buuga Naxariista

Waa Buug Xasuustaadu
Hilowgaagu Beeraayo
Si Kastoo La Ii Baantay
Bogsan Wayday Ruuxdaydu
Hirarkii Is Bixin Waaga
Ku Dhex Kumay Badhtamahooda

Baryo Kala Maqnaanteenu
Kaga Culus Qalbiga Buure
Intaad Joogtay Baashayda
Noloshii Bildhaamaysay
Ha Ka Dhigin Bar Kuma Taale
Bilicdii La Soo Laabo !!!

MUQAALKA HEESTA XAFLADA CIIDA :

16 thought on “HEESTA SOMALIDA JACEYLADII HORE ISKU SOO CELISAY”
  1. Fantastic beat I would like to apprentice while you amend your web site how could i subscribe for a blog site The account helped me a acceptable deal I had been a little bit acquainted of this your broadcast offered bright clear concept

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!