Share With Your Friends

DEGDEG:Somaliland oo ka hadashay heshiiska Itoobiya iyo qorshaha uga yaala gobolka Sool.
Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaa sheegay in gobolka Sool aanu Somaliland ka go’i dooni, waxa kale oo uu sheegay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu horumar dhaqaale u horseedi doono gobolka.
Wakiilka Maxamed A. Maxamuud oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in Somaliland ay ka shaqaynayso nabada gobolka Sool, isaga oo kasoo horjeedsaday aqoonsiga Madaxweynaha Soomaaliya ee maamulka SSC Khaatumo.
“Taasi waa fikirkiisa lakiin Somaliland dhul weeyaan, dhulkaana lama badali karo, aragti qof uu wato iyo qof Xamar joogaa midna waxba kama badali karo, Laascaanood iyo deegaankaasi Somaliland ayuu ka tirsanyahay wayna ka tirsanaan doonaa” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.
Wakiilka oo ka hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay in heshiiskani uu u taaganyahay isdhaxgalka dhaqaalaha Afrika, laguna gaadhi doono badhaadhee dhaqaale oo ay horseedi doonaan Itoobiya iyo Somaliland oo ku taala goob muhiim u ah ganacsiga gobolka.
Wakiilka oo la waydiiyay hadii uu heshiiska Soomaaliya iyo Turkigu wax saamayn ah ku yeelan doono biyaha Somaliland, ayaa sheegay in Turkigu aanu Somaliland la galin wax heshiis ah sidaa darteedna aanu heshiiska Ankara iyo Muqdisho saamayn ku yeelan doonin.
“Ogolaansho Somaliland uunbuu Turkigu ku iman karaa Somaliland, hadii aanu ogolaansho Somaliland ka haysan bada iyo dhulka midna ma iman karo” ayuu yidhi Wakiil Maxamuud.
Dowlada Soomaaliya ayaa meel adag iska taagtay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya iyada oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.

6 thought on “DAG DAG SOMALİLAND IYO ETHOPIA OO HADA BADA KA WADA HADLAY”
  1. Using ChatGPT 4 for free typically involves accessing platforms that offer a free tier or trial of OpenAI’s services, such as educational institutions or select partnerships. Homeworkify, a platform for solving homework problems, can be enhanced by integrating ChatGPT 4 for detailed explanations and solutions.

  2. Your blog is a constant source of inspiration for me. Your passion for your subject matter is palpable, and it’s clear that you pour your heart and soul into every post. Keep up the incredible work!

  3. Your blog is a constant source of inspiration for me. Your passion for your subject matter is palpable, and it’s clear that you pour your heart and soul into every post. Keep up the incredible work!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content