Share With Your Friends

Labaatan maalin kadib heshiiskii is af garadka ahaay ee udhaxeeyey Somaliland iyo Dowlada Federalka Itoobiya. Dowlada Somalia ayaa si cad udiiday in heshiiskaas bada iyo dhulka ey ku rabto Itoobiya. Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh Muhamuud ayaa si cad ugu dacweeyey aduunka, maadaama ey Itoobiya kusoo xadgudubtay madax banaanda iyo xaduuda dowlada Somalia.

Madaxweynaha maamulka iskood isku magcaabay ee Somaliland Musse Biixi ayaa ku sifeeyey in heshiisku yahay mid horumar ah oo ey dowladiisa iyo shacabka Somaliand ufiican. Waxa uuna sheegay in heshiiska ey ku jirto ictiraaf kaas oo ey tabeysay xukuumada Somaliland 34sano.

Waxaa lasoo ogaaday quburo aqris ku sameeyeen is af garadka udhaxeeyey Muuse Biixi Abiy Ahmed. In Itoobiya ee si cad urabto dhul iyo bad baaxadeedu dhan 20Km sida heshiiska ku dheehan. Laakiin waxaa lasoo ogaaday in intaas ey ka badantahay baaxada ku iyo bada ey rabto Xukuumda Abiy Ahmed.

Qorshaha Abiy Ahmed iyo dowladiisa ayaa ah in ey helaan bad si ey ciidamadooda ugeestaan oo dalkooda uu unoqdo dal furan sida uu yiri dhowr jeed Abiy Ahmed. Dowlada Itoobiya ayaa qarniyo raadineysay in ey hesho bad.

Abiy Ahmed ayaa isku dayey dhowr jeer uu hadlay in ii East Afrika walaaleeyo oo hal dal ey noqdaa. Asagoo qorshahiisa ah in uu bad helo ah. Sanadkii ugu dambeeyey uu hadalo adag ku hadlay kaasoo qeyliyey shacabkiisana la hadlay si ey bad u helaan xeeladay iyo xoogba in ey qasab tahay.

Maamuulka Soomaaliland oo wali katirsan Jamhuurida Federalka Somalia ow hogaamiyo Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee laga sugayo in uu qabto doorasho. Mudo korosina sameeyey sidoo kalena duqeymo waaweyn naf iyo maalba ey ku baa,baeen ka geystanayey Laascaanood mudo sanad ah.

Shacabka Soomaalilaand ayaa sicad uga soo horjeesaday heshiiska aan marna hirgali karin, hadii loofiiriyo sharuucda aduunka. Maamul gobaleed iyo dal in eysan heshiis sidaan ah gali karin.

Xukuumada Soomaaliland ma waxey rabtaa in ey noqoto Kilinka 6xaad ee Itoobiyaa?

Sida ey xukuumda Soomaaliland saaxiibka dhow iyo walaaleysiga uga dhiganeyso Itoobiya oo ahaay qarniyo ilaa hadana aha cadawga Soomaaliyeed. Taas ayaana keeneysan in dadku is weydiyaan suaashaas.

Maalmo ka hor ayeey heshiis wada galeen Muuse Biixi iyo Madaxweyne Hassan Sheikh jabuutu ow Ismaciil Cumar Geele isku keenay si loo heshiiyo oo dhibaatadii dhacday 1990kiina laga xaalmariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!