Share With Your Friends

Baraha bulsha ayaa waxaa siweyn loo falanqeynayaa guurka iyo meherka raqiiska ah ee gabdhaha Marookaanka ah. Waxaana la arkay wiilal badan oo qaba gabdho Marookan ah, sidoo kalena ey ku noolyihiin wadankaas qaarkood.

Wiilasha soomaaliyeed ee guursaday gabdhaha Marookanka ah ayaa ka yimaada wadamada qurbaha Yurub iyo Mareykan. Wey jiraan wiilal Afrika ka yimaadeen oo guur usoo doonteen Marooko laakiin ma badna oo kuwa qurbaha ayaa ka baday.

MAXEY TAHAY SABABTA WIILASHA SOOMAALIYEED UGUURSADEEN GABDHAH MAROOKAANKA AH?

Gabdhaha Marookaanka waxey dowladoodu ufasaxday iney guursan karaan qofkasta oo ah Muslim wadankow rabo haka imaado. Sidaas darteed wiilasha soomaalida ayaa halkaas fursad ka helay sida wiilasha kale ee wadamada kale ka imaada si ey uguursadaan gabdha Morookaanka.

MAXAA SABABAY GUURKA GABDHAHA MOROOKAANKA ? MA WIILASHOODA YAA YAR?

Waxaa sababay in guurka gabdhaha uu yaraaday sidoo kale aan la rabin in ey gabdhuhu da,ada guurka eysan dhaafin. Gabdho badan ayaa jiro oo guryahooda iska jooga oo guurka xiligiisii dhaafay. Madaama dalku yahay Muslim gadhaha loo tarbiyeeyo in ey marwo noqdaan. Guurka ayaa loo fudeeyey si ey u aqal galaan.

MAXAA LAGU DOORTAA GABDHHA MOROOKAANKA AH?

Waxaa lagu doortaa in ey diin leeyihiin iyo dhaqan wanaagsan sida ey udhaqan laheyd gurigeeda. Si guurkeeda ufududaado waxa ey raqiis kadhigeen Meherkooda. Waana sabata ugu weyn ee wiilasha guurdoonka ah ey uguursadaan.

Gabdhaha Soomaaliyeed ayaa meherkooda qaali ka dhigeen, sidoo kalena waxey rabaan aroos, xaflad, guri camiran iyo dalxiis. Qiimaha ku baxaayo ayaa waxaa lagu xiyaasaan 30.000kun oo dollarka mareykanka ah ayaa uga baxeyso wiilka rabo inuu guursado.

Wiilasha Soomaaliyeed ayaa hada gabdhah Soomaaliyeed udiraya fariin ah in ey yareeyaan codsiyaasha baday ey ku xiraayaan guurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!