Share With Your Friends

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilka uu dhalay ee Muhoozi Kainerugaba u magcaabay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee dalka Uganda.

Ninkan oo hore ciiddamada uga tirsanaa ayaa haatan ka dib noqonaya dhammaanba Taliyaha ay ka amarka qaadan doonaan ciidanka Qaranka ee dalka uu aabbihii madaxweynaha ka yahay.

Warbaahinta ka faalloota arrimaha Uganda ayaa sheegaya in Muhoozi Kainerugaba xilkan loogu dhiibay si loogu diyaariyo in uu talada kala wareego aabbihiisa oo dalkaas ka talinayey muddo 30 sano ka badan.

Ninkan ayaa la xasuustaa in uu marar badan baraha bulshada ku daabacay hadallo muran dhaliyey oo ay ka mid ahaayeen in uu duullaan ku qaadayo dalka la jaarka ah ee Kenya iyo weliba in uu doonayo guurka gabadha Talyaaniga ka talisa ee Giorgia Meloni taas uu sheegay in uu yarad ahaan uga bixinayo Lo’da Geesaha dhaadheer ee Yugaandhi caanka ku tahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!