Share With Your Friends

Koobka maamul gobaledyada kubada cagta Somalia oo soo gaba gaboobay. Waxaana finalka isku arkay maamulka Hirshabeele iyo maamulka Galmudug. Garoonka Stadium Muqdisho oo ey soo buux dhaafiyeen taageerayaasha laba maamul.

Ku dhawaad labil ow socday koobka loo dhigay maamulada ayaa gabagabadiisa lasoo gaaray finalka ama kama dambeyska tartanka. labada xul oo kusoo kala gardameen ahaayeena kuwa lagu bilaabay tartanka oo guruubka isku soo arkeen ayaa final mar kale isku arkeen sidaasna tartanka usoo xireen.

Gari laba nin kama qosliso oo guusha ayaa hal dhinac aaday oo ah xulka Galmudug oo tartankaan siweyn loogu saadaalinaayey. Kadib badhigooda cajiibka ahaay ey soo bandhigeen iyo guulahii ey soo gaareen.

Xulka hirshabeele ayaa ayaduna ciyaar wanaan soo bandhigeen tartanka inkastow ey heleen 6 dhibcood kadib qalalaaso iyo iskaga bixii tartanka maamulka Koonfur Galbeed oo dhibaato ey soo gaartay laacibiintooda, ayagoo ku siijeeday hotelka kadib ciyaartii Galmudug ey kaga badisay K-Galbeed. Guuldaro iyo in shacab ey dhalinyaro ah oo lagu tilmaamo ciyaal weero ey dhagax ku tuureen baska ey saarnaayeen xulka.

Tartanka ayaa soo dhamaaday waxaana Hambalyo udiraday madaxweynaha Somalia Mudane Xassan Sheikh xulka galmudug iyo xulalka kasoo qeyb galay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku booriyey shaqada wanaagsan ey ciidka amniga sugaayey qabteen inta ciyaaraha ey socdeen oo isdhaxgalka iyo nabada ka tarjumaayey.

Madaxdii hore ee dalka ayaa hambalyo udirtay xulka galmudug iyo qabanqaabayaasha tartanka iyo aminga. Waxaana hambalyeyey reysalwasaare Mohamed Hussein Rooble, Hassan Ali Kheyre.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!