Share With Your Friends

Reysul Wasaaraha Somalia Mudane Hamse Barre ayaa siweyn uga hadlay qadiyada Falastine iyo waxyaabaha kasocdo Marinka Qasa.

Waxoow siweyn udil istaagay duqeynta Israiil ey kawado Qasa. Iyo dowladahii waaweynaa oo indhaha ka xirtay duqeynta ciyaalka iyo maatada lagu baa,biyey. Waxoow yiri: aaway caalamkii, aaway kuwii xaquuqda bini aadamka u dagaalamijiray sidii Yukreyn.

Laba wajiilinimada galbeedka ayuu dil istaagay iyo erayada ey warbaahinta galbeedka isticmaalayaan. Sida wuu dhintay marka qof Falastine ah ey dilaan ciidanka iyo diyaaradaha Israiil. Halka dhinaca kale markii qof ka dhinto ama la dilo ey leeyihiin waa la xasuuqay.

Reysul wasaare Hamse Barre oo sheegay in ururka Hamas yihiin urur xaq udirir. Yahuuduna waa sida Alshabaab. Maadaama saacad kasta ey dilayaan caruur ama cunug reer Falastine ah. Hadaanu wax uqaban karin waa inaanu uduceynaa. Masaajidka Al Aqsaa maanta ayuu ugu dhaw yahay inuu xoroobo.

DAAWO HADALKII PM HAMSE: HOOS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!