War Hadd soo Dhacay;
Gaashaambuurta Nato oo ku dhawaaqday in maalmaha soo socda 40 kun oo askari laga dajiyo bariga qaarada Yurub gaar ahaan aaga xuduuda Ukrain. Bari ayaa la bilaabayaa hawlgalkan
8 kun kamid ah ciidamadan waxey noqon doonaan Mareykan. Sidoo kale 100 diyaaradood kuwa dagaalka ah iyo 120 Markab ayaa hoolgalkan ka qeyb gali doona
Nato ayaa isku raacday in la qaado Ficil dhanka militariga ah. Ruushka waraa U yaal:
Madaxweynaha Ukraine: “Waxaa laga yabaa in ay tahay markii ugu dambeysay ee aad in aragtaan anigoo nool”
Xaalka ayaa sii adkaanaya sidoo kale Ruushka ayaa yaashaaciyeen in ey wada hadal diyaar uyihiin. Wadada hadalada ayaa waxa ey ku xireen sharuud ah in ciidanka Ukraine hubka dhigaan sidoo kale isa soo dhiibaan. Ukraine ayaa dhankeeda wali ku adkeysaneysa is difaacid. Sidoo kale wadamo badan oo Yurub ah ayaan hub ugu deeqay Ukraine. Waxaana si weyn hub ugu taageeray wadanka Sweden. Sweden iyo sidoo kale Finland ayaa ayaguna difaac iyo cabsi soo food saartay haduu xaalku sii xumaado. Waxa soo baxaya in wadamadaas rabaa in ey xubin ka mid ah Nato noqdaan si difaac dhameystiran uga helaan xubnaha Nato.
Kala soco Wararka soo kordha Haldoormedia.com