Share With Your Friends

Waqtigaan hada lajoogo waxaa dalkeena Somalia waxaa ku habsaday abaaro qaasatan miyiga ama baadiyaha gobalada qaar. Waxaana sabab roob la,aan baahsan owgeen in ey dad badani biyo iyo raashin la,aan ey absato taaso dad badani ey macluul iyo kuleen u dhumanayaa.

Dowlada Somalia ayaa siweyn u baahisay abaaraha jira gargaarna bilaawday in ey ufiyaan lacaga mushaaraadka shaqaalada dowlada iyo ilaa madaxweyne uu shaaciyey in uu mushaarkiisa ugu deeqayo abaaraha baahsan ee dad masaakiinta een xoolahoodii ku dhimanayaan ayaguna sidoo ey cunto la,aan iyo biyo udhimanayaan.

Sidoo kale gargaarka waxa ka iyo cunto qeybinta ka qeeyb qaadanaya dhalinyada baraha bulshada sida weyn caanka uga ah kuwaas oo xaqiiqda iyo sida ey caruurta iyo waayeelka u duruufeysan yihiin muqaalo kusoo baahiyeen bartooda baraha bushda qaasatan Tiktok. Dhalinyada sidoo kale isticmaasha baraha bulshada kuwaas oo siweyn ugu xiran dhalinyadaan kusugan goobaha ey abaaruhu kajiraa ayaa siweyn uga murugoodan qaarkoodna bilaabeen in ey lacago aruuriyaan.

Dhalintaan ayaa waxa ey mudan yihiin bilado sharaf iyo dhiiri galin bulshado. Dhalinta qurbaha joogto aya siweyn ula dhacsan hoowlaha ey haayaan sidoo kalana fariimo wanaagsan oo dhiiri galinya usoo duubeen. Dhaliyada iskood isku xilqaamay ee safarada dhaadheer ugaleen si ey xoogooda ugu caawiyaa dadka abaarha iyo gaajada la dhimanaya. Waxaanu ognahay in ey badan kood yihiin arday iyo kuwo jaamacada muqdisho kasoo qalanjabiyeen kuwaas oo shaqa la,aan dalka ku heysato waxa eyna ku biireen baraha bulshada si ey lacago uga sameeyaan qaasatan Tiktok iyo Youtube daruufo shaq la,aaneed ee dhalintaas heysatan badankood ee kunool dalka.

5 thought on “Abaaro: Dhaliyada Tiktok waxa ey muteysteen bilad sharafeed! dhanka barta Tiktok iyo caalamka iyo somalia”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!