Wax badan ka baro waxyaabaha aan soonka Jabin, Jabiya iyo Sidoo kale Naaqusiya.
Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:
- Dhiig qof loo shubo
- Qubeyska
- Cadaysiga
- Candhuufta
- Cunid & cabid aan loo qasdin – hilmaan
- Matag kusoo dhaafay oo aan qasad aheyn
- Janaabo kaa imaatay adigoo maalinkii hurda
- Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba
Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:
- Cunid & cabid
2.Jamaaca maalinkii - Matag kas la isaga keeno
- Cirbado nafaqo leh oo la qaato
- Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
- Caadada & xeydka dumarka
- Haddii uu diinta ka baxo isagoo soomman
- Haddii uu waasho isagoo soomman
Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
- Xanta
- Caayda
- Isku dirka
- Beenta
- Indhaha oo meel xun lagu eego
- Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
- Qamaarka oo la dheelo
- Dagaalka
Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
- Qur’aan akhriska badan
- Salaadaha sida taraawiixda & taajudka
- Wanaagga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
- Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
- Indhaha oo la laabo
- Carrabka oo la xakameeyo
- Masaajidka oo la cammiro
- Farjiga oo la dhowro
Soonka qofku waa uu iska furi karaa haddii
- Uu yahay musaafur
- Uu xanuunsado
- Uu ummulo
- Uu caadoodo
- Uu caqligiisu tago
- Uu u cabsado ilmaha caloosha ku jira
Allaha naga aqbalo soonka iyo salaada
Dhamaanteen aamiin aamiin aamiin