Share With Your Friends

Labada aqal ee Somalia midka shacabka iyo midka barlamanka ayaa cod aqlabiyad ley ugu codeeyeen in wax laga badalo afarta cusub ee ugu horeysay ee dastuurka wax kabadal iyo dhameystirka.

Cutubka afaraad ey ku muransanaayeen siyaasiyiintii hore iyo madaxdii hore ee dalka iyo kuwa hada jooga ayaa kamid ahaay maanta midka la ansixiyey. Kadib fikrado badan oo lasoo bandhiga sida in dalku uu yeesho Madaxweyne ku xigeen. Taas oo dad badani u arkeen in Somalia heerkaas wali gaarin oo taas kaliyah ey dowladaha horumaray sida Usa ey isticmaasho.

Soojeedintii labaad ayaa laqaatay oo aheyd in Madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo Reysulwasaarahiisa. Taas oo awal barlamaajka ey kaqaadi jireen haduu madaxweynuhu mooshinka ka keeno reysulwasaaraha ama uu rabo inuu xilka kaqaado.

Sidoo kale waa hirgalaya kadib doorasha 2026 in shan sano ey noqoneyso xiliga ey heyneyso dowladaas. Waxaana laga guurayaan afarsano oo mudooyinkii ugu dambeysay ey aheeyd mudada xilka dowlada aqlabiyada heysata.

Kooramka waxaa soo fadhiistay 212 xildhibaan Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare 42. Kuwaa oo kuligoo cod aqlabiyad leh ugu codeeyeen in la ansixiyo cutubyada mudooyinkii ugu dambeysay ey soo falanqeeyeen eyna wax kabadalkooda ey lahaayeen. Qof diiday ama ka aamusay maleh oo sidaas ayuu gudoonka ku asixiyey 254 cod kuna hirgalayaa sharcigaan oo ka bilaabanaya muda xileedka dambe 2026.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!