Share With Your Friends

Fanaanka soomaaliyeed keynaan Warsame oo ku dhashay Somalia qaasatan caasimada Muqdisho. Dagaalkii sokeeye markuu dalka ka qarxay asaga iyo familkiisa u qaxeen Kenya. Kadib waxa ey galeen Kanada kaas ey qaxooti kunoqdeen.

Fanaankaan ayaa heesaa noqday waxa uuna kusoo koray guri faneed. Kaaso oo abwaano iyo fanaaniinba leh, sida Boqorada codka Somalia Allaha Unaxariisto Xaliimo Qaliif Magool oo aheyd habaryartiis iskuna dhawaayeen dhanka fanka uu ka uu jeclaa.

Marka uu noqday fanaan waxa uu ka bilaabay dhankaas iyo rapka oo siweyn looga xiiseeyo Mareykanka. Tartamo rap ah ayuu kasoo muuqan jiray ciyaal xaafadeedka. Fanaankaan ayaa qorta heesahiisa sidoo kalena laxameeyo. Waxaa uu bilaabay inuu soo saaro albumkiisii ugu hooreeyey oo lagu magacaabo My Life Is a Movie 2004.

Albumkiisa sadaxaad heesa Waving Flag ayaa siweyn usoo jidatay aduunka taas oo shirkada Coca Cola ey ka dalbatay in ey noqoto heesta Koobka Aduunka ee South Africa 2010. Waxaana loo turjumay ama loobadalay 20 luuqadood.

Fanaankaan ayaa fanka nasasho ka qaatay dhowr sano inta uusan soo saarin almukiisa ugu dambeeyey ee Country, God or the Girl (2012). Fanaanka Keynaan Warsame ayaa waxa uu kala soo muuqday labo hees Fanaanka da.ada yar ee Sharma Boy. Kaas oo fanka ku dhiiro galinaayey, heesta Soomaaliya Soomaali Baa Leh ayaa caan noqotay labada hees ey soo wada saareen.

Sanadka 2023 ayaa waxa uu soosaaray hees lagu magacaabo Refugees, waxaana kula jira fanaaniin Latin American iyo Mexican ah. Heesta ayaa dhiiri galineysa qaxootiga kasoo qaxay dalalkooda dhibaatooyin kala duwan ee nolosha.

Waxaana erayadeeda ka mid ah: Qof ayaa iigu yeeraya soogalooti :- Waan ahay waana Ku Faanaa, sidaaas ayuu leeyahay Keynaan Warsame Heesta. Waxa eyna noqotay heesta ugu saameynta badan ee bulshada iyo caqabadaha jira.

Heesta Keynaan Warsame ayaa bilada ugu weyn ee labixiyo caalamka ee Oscar ee Hollywood Ku Guuleystay. Kaas soo xaflada Oscarka kasoo qeyb galay si uu ugudoomo. Xafladaas waxaa bilado lagu siiyey fanaaniin caan ah sida Jay-z raparka weyn ee reer Mareykan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!