Share With Your Friends

Hogaamiyaha Xamas oo Ismaciil Haniya ayaa soo booqday Sheikh Abdirashiid Ali Suufi. Shiikha soomaaliyeed ahna Shiikh caalamka siweyn looga yaqaan.

Shiikh Abdirashiid Ali Suufi waxaa ka geeriyooday wiilkiisa Abdihamid oo ahaay qaari sida aabihiis. Geeridaan ku timid wiilka shiikha aduunka dhan ayaa looga soo tacsiyeeyey.

Shiikha oo kunool sharcina kaheysta wadanka Qatar. Waxaana Isla wadanka Qatar dagan sida wararka qaar ee sheegaan hogaamiyaha ururka Xamaas Ismail Haniya. Waxaana halmar la arkay muqaalka hogaamiyaha ururka Xamaas.

Sikadis ah ayuu ugu yimid shiikh Abdirashiid hogaamiya ururka Xamaas Ismail Haniya. Kaas isla waqtigaan ku jira halgan weyn uu ku difaacayo dadkiisa iyo dhulkiisa Falastiin.

Hogaamiyahaan ayaa si qarsoodi ah umarayey dalal kala duwan si uu dadkiisa ugu raadiyo macaawino taas oo hada ka kala go,aday eyna ubaahan yihiin dadkiisa reer Falastiin macaawino dag dag iyo xabad joojin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!