Share With Your Friends

Ciyaartii adkey ee dhaxmartay Manchester United iyo Arsenal ayaa waxaa guushu ku raacday kooxda United. Ciyaarta ayaa aheyd ciyaar xamaasadeeda wadata sidii lagu yaqaanay kulamada ey labadaan koox ciyaaraan.

Kooxda Arsenal ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaag awood badana ey ka muuqatay waxa eyna heleen fursado badan oo ey goolal badan ku dhalin kareen. Laakii n kooxda Manchester United ayaa muujisay adeeg iyo difaac wanaag. Laacibka cusub ey lasoo wareegtay kooxda United ee Anthony ayaa lagu soo bilaabay kulankiisii ugu horeeyey. Antony ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horeeyey kadib markii laga diidey goool ey shalisay kooxda Arsenal.

Haalkii dambe ayaa ciyaartu siwey isku badashay kadib markii ey kooxda Arsenal weerarkeedii sii laba jibaartay. Goolkii bareejada ahaayna uu udhaliyey laacibka 21 sano jisanayey maalin kadib ciyaarta ee Bukayo Saka. Kooxda United ayaa durbada kafaaiideysatay sursad baas dheer uu kahelay meel dheer laacibka Rashford sidaasna shabaqa ula haleelay.

Kooxda Arsenal weerarkeedii wali meysay joojin oo sadax badal ayeey halmar samey waxeyna dheeshay qamaar. Ciyaarta ayaa kusii adkaatay oo goolkii sadaxaad ayaa isla sii kii hore baas dheer uu meel fog looga soo tuuray laacinka weerayka ka ciyaara ee Rashford. sidaas ayeey ciyaartuna ku dhamaatay oo ey guushu uraacday Kooxda Manchester United 3-1.

Labada koox hadii leysku barbardhigo waraa la dhihi karaa kooxda United ayaa ciyaartoy qibrad leh iyo waliba badan fiican heysta. Halka ey Arsenal keysato koox wada dhaliyaro udhaxeyso 18-25. da,adooda kuswaas oo wali aan qibrad weyn aan laheyd oo ubaahan iney isla qabsadaan.

DaAWO GOOS GOOSKA CIYAARAT:

5 thought on “Guushii Manchester United wali Kooxda Arsenal ayaa Hogaanka heysa Premier league”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!