Deg Deg:Sir culus oo laga soo bandhigay qaraxyadii galabta iyo hotel afrik oo laga dhex dagaalamayo

Share With Your Friends

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xooggan iyo weerar lagu qaaday hotelka Afrik ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada aadda garoonka diyaaradaha.

Qarax ayaa ku billowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, oo sida la sheegay lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana kadib xigay laba qarax oo kale iyo rasaas xooggan.

Halkaan ka daawo qaabkuu weerarka u dhacay

Waxaa kadib gudaha hotelka galay koox hubeysan, kuwaas oo dagaal uu dhex-marayo ciiidamada ilaalada hotelka iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee joogay bar ku dhow hotelka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,” ayuu yiri afhayeenka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!