Share With Your Friends

horraantii bishii december ayay ahayd markii loo sheegay raage Cabdi in xaaskiisa ay uur leedahay, calooshana ku sido ilmihiisa. Dhacdadan naxdinta badan ayaa waxaa la shaaciyay inuu lug ku lahaa iidle yare oo saaxiib dhow la ah qaali ladan.

Iidle yare ayaa qaali ladan ku wargeliyay habeyn nimadii arbacada in Raage cabdi uu si qarsoodi ah u qabo xaas kale oo lagu magacaabo Sahruuja oo gees ka degan xaafada islii ee magaalada Nairobi. Qaali ladan ayaa ka carrootay arrintan, waxayna durbadiiba dhaawac xun soo gaarsiisay seygeeda, Raage Cabdi.

Qaar kamid ah goobjoogayaashii ku sugnaa meesha, ayaa inoo sheegay in in Qaali ay kal madaxa uga dhufatay Raage oo sii jeeda.taasina ay keentay inuu halkaasi ku dhiig baxo. Dhinaca kale iidle yare oo aan qadka telfoonka kula xiriirnay ayaa ka gaabsaday arrinta iyo sida ay wax u dhaceen.

37 thought on “Naxdin:Qaali ladan oo maseyr dartiis jug xun u gaarsiisay seygeeda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!