Share With Your Friends

Subaxnimadii sabtida waxa ey kusoo waa bariisteen duqeyn dadyowga caasimada Tehran ee dalka Iran.

Duqeeyntaal ayaa waxaa iska kaashada dalalka Israiil iyo Mareykanka. Madaxweynaha Donald Trump ayaa marshow qudbad ujeediyey dadyowga Mareykanka iyo sababta ey uduqeeyeen Iran

Kaas oo sheegay in Iran ey tahay cadow sanado badan dilaayey ciidanka Mareykanka bariga dhexe inta ey ciidamadooda ka dagaalamaeen dalal badan sida Ciraaq, afganistan. Sidoo kale waxa uusheegay in ey ururo maalgaliyaan kuwaas oo la dagaalama ciidamada mareykanka dileyna ciidamo badan oo mareykan ah.

Dhanka kale Israiil oo dadyowgeeda udigtay sidoo kalena gashay heegan duqeymaha mardhow kaga imaan kara dalka Iran.

Wali jawaab lagama hayo dalka Iran iyo nooca dagaal ey qaadi doonaan. Maalmo kahor ayeey sheegeen in xadgudub kasta oo dalkooda loo geesto in ey ka jawaabi dooonaa sidoo kalena waxa ey udigeen Mareykanka oo maraakiib dagaal iyo diyaarado keenay xaduuda bada Iran.

Kala soco wararka xasaasiga iyo xog sugan Haldoormedia.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

error: DIGNIIN AA QABTAA !!