Naxdin:Lamaanihii ku geeriyooday hotel afrik oo dhacdo halis badan qabsatay.

Share With Your Friends

weerarkii ka dhacay hotel afrik dadkii ku geeriyooday ayaa waxaa ka mid ahaa lamaane todobo ku jiray oo deganaa hotelka, xilliga uu dhacayey weerarka,Lamaanahan oo u hoyday gurigooda rasmiga ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali,

waxaana maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta oo goobta aaska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Fahad iyo Farxiyo ay wada-aqal galeen 9 beri ka hore, balse nasiib darro ay ka mid noqdeen dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dilay weerarkii ka dhacay hoteelkaasi, Dhacdadan oo xanuun badan ku reebtay ehellada lamaanaha geeriyooday ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Mudisho iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

waalidiinta lamaanaha ayaa ka hadlay geerida lama filaanka ah ee ku timid carruurtooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: DIGNIIN AA QABTAA !!